Madaxweynaha oo booqday aagagagga Ciidamada Xoogga Dalka ee gobolka Sh/Hoose


Madaxweynaha Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay booqdey saldhigyada Ciidamada Xoogga Dalka ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu kula kulmey qaar ka mid ah ciidamada degaannadaasi ka hawlgala.

Isagoo labisnaa dareyska Ciidamada Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa uu la xiriiray u kuurgelid xaaladda ciidamada, dhiirigelin iyo bogaadin ku aaddan guulaha ay dhowaan ka soo hoyeen dagaallada ay la galeen cadowga Al Shabaab.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan jihaadka saxda oo ah mid aad dooneysaan inaad shacabkiina ku xorreysaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale amrey in dhammaan ciidamada Xoogga Dalka ee dhowaan cadowga kaga adkaadey goobaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose la siiyo dalacsiin, daryeelkooda iyo baahidoodana mar walba la tixgeliyo.

“Waxay dowladdu diyaar u tahay inay baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmey ciidammada inay adkeeyaan, isla markaana dhowraan akhlaaqda iyo xeerarka ciidanka, oo uu sheegay inay muhiim u yihiin ka guul gaarista waajibaadka saaran.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga, S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Taliyaha Ciidammada Xoogga, S/Guuto Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidammada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare iyo mas’uuliyiin kale.

XasanCiidanB.jpg


Add New Comment