Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u dejin u sameeyay qoysas ka soo barakacay Yemen


Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalintii shalay dib u dejin KMG ah u sameeyay ilaa 45 qoys oo ka soo cararay dagaalada Yemen, kuwaasoo soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaxootiga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadkan ay dib u dejinta u sameeyeen ay yihiin dad Soomaali oo horay uga qaxay dalkooda, hadana dib dalka ugu soo laabtay.

Waxaa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu caawin doono dadkan mudada ay sida KMG ah u xarun ku taal degmada C/casiis, waxaana uu intaa ku daray in dadka qaar ay ka taageeri doonaan sidii eheladooda iyo qaraabadooda heli lahaayeen.

Qoysaskan ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii saarnaa diyaaradii 17-kii bishan Muqdisho soo gaartay magaalada Muqdisho ee dalka Yemen ka soo qaaday qoysas Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in kuwo hor leh ay soo gaaraan.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu diyaarin doono xarumo marin ah oo lagu soo dhoweyn doono dadka ka soo firxanaya colaada Yemen, waxaana maalmihii u dambeeyay ka socday Muqdisho howlo loogu gurmanayo dadkan ka soo qaxay dagaalada Yemen.

dibudajinB.jpg


Add New Comment