SOMALILAND: Waanu joojinnay Qaabilaadda Qoxootiga Somalida ah ee kasoo Cararaya Yemen


WCade.jpgWasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa si rasmi ah u shaaciyay maanta inay joojiyeen Qaabilaadda Qoxootiga Soomaaliyeed ee kasoo Cararaya dalka Yemen, kuwaasoo bilihii u dambeeyay ka dagayay  Dekedda magaalada Berbera.

Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay joojiyeen Qoxootiga imaanay Seegaannadooda, isagoo intaa raaciyay inay hay’adaha ka shaqeeya samafalka ay ka waayeen wax taakuleyn, iyagana ay qoxootiga Yemen ka imaanaya ku noqdeen hayaan dhaqaale iyo mid amni.

“Somaliland horay ayay u ballanqaaday inay soo dhaweyso qaxootiga jinsiyad kasta oo ay yihiin inay soo dhaweyso, una furtay dekedaha markii dagaalka dalka Yemen uu dhacay. Annaga, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ka shaqeeyana waxaanu isku af-garannay inaan dajinno Qoxootiga deegaanno, iyagana quudinta iyo taakuleyntooda ay bixiyaan, waxay nagu yiraahdeen Qoxootiga Soomaalida ah waxba uma qabanayno,” ayuu yiri Waran-Cadde oo intaas ku daray in hey’aduhu ay u sheegeen inay caawinayaan Yemeniyiinta iyo dadka kale qoxootiga ka mid ah.

Waran-Cadde ayaa intaa ku daray inay hay’adaha samafalka ay diyaar u yihiin in ay dadka ajnabiga gargaar siiyaan, balse Soomaalida aanay u ogolayn, ayna baaqan u soo saareen arrintaas kasoo yeertay hay’adaha.

Cali Waran-cadde ayaa hadalkiisa ku daray in Qoxootiga u dhashay Somaliland ee Yemen ka imaanaya ay damaanad-qaadayaan, ayna dib u fureen xafiiska Somaliland u Qaabilsan dalka Yemen.

Ugu dambeyn, hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa culeys ku noqonayaa Qoxootiga Soomaaliyeed ee Colaadaha dalka Yemen kasoo cararaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay doomo qaxooti sida ku xiranayeen Dekedaha Berbera.

Si kasta ha ahaatee, dowladda federaalka Somalia ayaan weli ka hadlin go’aanka ay maanta ka dhawaajisay Somaliland, iyadoo weli ay Waddanka Yemen ku xayiran yihiin tiro badan oo Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo lagu wado inay maalmaha nagu soo fool leh kasoo ambabaxaan Dekedaha dalka Yemen.

- See more at: http://hiiraan.com/news/2015/May/wararka_maanta24-91596.htm#sthash.1RF4xNSk.dpuf

Add New Comment