Wasaaradda Amniga Qaranka oo ka hadashay falkii lagu dilay xildhibaan Yuusuf Dirir


Dowlada Federaalka ayaa maanta sheegtay in ciidamo katirsan mileteriga ay ka dambeeyeen dilkii magaalada Muqdisho shalay loogu geystay mudane katirsanaa Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradaasi oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo watay gaari Cabdi Bile ah ay rasaaseeyeen gaariga Xildhibaanka uu watay.

Sida dhacdada ay ku dhacday ayaa aheyd in gaariga Cabdi Bilaha ah oo xoog ku socday uu hoonka u yeeriyay Baabuurka Xildhibaanka uu watay si wadada dhinac uu ugu baneeyo oo Cabdi Bilaha uu ugudbo, hayeeshe Baabuurka Xildhibaanka ayaa ka dhaga adeegay inuu u baneeyo wadada Cabdi Bilaha.

Intaasi kadib gaariga Cabdi Bilaha ah ayaa wuxuu si xoog ah ku maray laamiga seedka kale wuxuuna ku soo horjaray Baabuurka, gaarigii ay wateen Xildhibaanka, iyadoo rasaas ay ku fureen ciidankii saarnaa Gaariga Cabdi Bilaha ah baabuurka Xildhibaanka.

Xabadaha lagu furay Baabuurka Xildhibaanka ayaa waxaa ku geeriyooday darawalkii Baabuurka, Xildhibaan Yuusuf Dirir iyo sidoo kale dhaawac soo gaaray Askari Booliis ah oo Xildhibaanka ilaalo u ahaa, sida Wasaarada Amniga ay sheegtay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Suggida Soomaaliya oo halkaasi ka agdhawaa ayaa eryaday gaariga Cabdi Bilaha ah, waxaana is rasaaseyn dhexmartay Cabdi Bilaha iyo ciidanka Nabad Suggida ku dhaawacmay lix ka tirsan ciidamada Milateriga.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf wuxuu sheegay in Amuurtaan loo xilsaaray Guddi ka kooban 7-xubnood oo Warbixin rasmi ah ka keeni doona qaabka dilka uu u dhacay si dambiilayaasha maxkamad loo soo taago.


Add New Comment