Guddiga Farsamada Shirka Cadaado oo sheegay in si habsami leh u socdo shirkaas



Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud Maxamed Xaashi Cabdi oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in meel fiican ay u mareyso habsami u socodka shirka degmada Cadaado.

Maxamed Xaashi ayaa carabka ku dhuftay in ergooyinka shirka Cadaado ay xareeyeen islamarkaana ay jiraan qaar ka tirsan beelaha shirka ka qeyb galaya oo dhaliilo tabanaya kuwaasna ay diyaar u yihiin in  ay qanciyaan sida uu hadalka u dhigay.

Shirka Mamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa hareeyay Khilaafaad xoogan kuwaasoo gilgilay  horu u socodkiisa.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Farsamada oo iskaashanaya ayaa dadaal xoog leh ugu jira in shirkaas ay ka mira dhaliyaan.


Add New Comment