Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho


Waxaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalo-madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho wasiirka arrimaha dibedda ee Dowladda Qatar Mr. Khaalid bin Muxamed Al-Cattiyah iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa markii dayaaraddi siday ay soo caga-dhigatay garoonka Adan Abdulla International Airport ee magaalada Muqdisho waxa halkaasi kaga hortagay si diiranna ugu soo dhopweeyey wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Cabdisalaam Hadliye iyo xubno kale oo ka tirsan golayaasha dowladda.

Nasasho gaaban kaddib ayaa waxa wasiirka iyo wafdigiisa loo gelbiyey xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa.

Intaa kaddib ayaa waxa uu wasiir Cattiyah wadahadal toos ah la yeeshay ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudan Cumar Cabdirashiid Sharmaarke iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo uu ugu horreeyey wasiirka arrimaha dibedda ee JF Soomaaliya mudane Hadliye.

Kullamada kaddib ayaa waxaa saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada Soomaaliya labada wasiir ee Soomaaliya iyo Qatar, ayagoona sheegay in ay aad isugu afgarteen qodobbadii ay ka wada hadleen.

Mr. Khalid bin Mohammad Al-Cattiyah oo hadalka ku horreeyey  ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ka wado dalka, dib u soo kabashada Soomaaliya, sidii looga taageeri lahaa kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageeridda Soomaaliya, si ay Soomaaliya dib isugu taagto cagaheeda, kaddib in ka badan 20 sano oo ay dagaallo sokeeye iyo fowdo ku soo dhex jirtay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo intaa kaddib hadalka qaatay ayaa isna sheegay in arrimihii  ay ka wada hadleen ay ka mid ahaayen iskaashi labada dal ay ka yeeshaan dhinaca ammaanka, xaaladda dalka Yemen iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee weli dalkaasi ku xayiran.

attiyah.jpg


Add New Comment