Madaxweynaha oo xariga ka jaray Bangiga Premiere oo bixinaya adeegyo caalami (Sawirro)


Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Bangiga Premiere oo bixinaya adeegyo caalami ah oo aan waddanka horay looga heli jirin.

Munaasaabadda lagu furayay xafladdan waxaa ka qeyb galay Wasiirka maaliyadda, Wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiyaha bangiga dhexe, wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Premiere Bank wuxuu keenay adeegyo caalami ah sida MasterCard iyo SWIFT oo lagu maareeyo lacagaha dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya. Adeegyadan waa markii ugu horreysay dalka laga hirgaliyo.

Maamulaha Bangiga Premiere Mahad Maxamed Axmed  ayaa yiri  “Premier Bank waxa uu kalsooni ku qabaa mustaqbalka Soomaaliya iyo in Premier Bank kaalin udub-dhexaad ah ka qaadan karo dib u dhiska iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomalaiya, taas oo lagu gaaari karo keenista dalka adeegyo banki oo casri ah, taasina waa sababta aannu u keenay Soomalaiya ayuu yiri adeegga MasterCard oo adduunka oo idil lacag loogala bixi karo iyo adeegga SWIFT-ga oo sahlaya in lacag loo soo diri karo lagana diri karo Soomaaliya si aan bulshadeenna ugu xirno shabakadahaas dhaqaale ee caalamiga ah” .

Wasiirka Maaliyadda mudane Maxamed Aadan Ibraahim oo isagoo isticmaalaya kaarkiisa(MasterCard) uu kala yimid dibadda lacag kala baxay bangiga ayaa sheegay in adeegga uu soo kordhiyay Premiere uu yahay mid ay baahi badan u qabeen dadka Soomaaliyeed.

“Bangigaan wuxuu isku xirayaa Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale, wuxuu saamaxayaa inuu keeno adeegyo horay uga maqnaa Soomaaliya oo caalami ah, sida aad aragteen haddaa MasterCard la iga soo siiyay Australia ayaan lacag ugala baxay halkaan, taasi waxay idin tusinaysaa in wax weyn la qabtay”.Ayuu yiri wasiirku.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa furtay bangigaan oo sameynaya maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka iyo adeegyo kale oo ay ku jirto Xisaab si gooni ah loogu asteeyay dumarka oo loo yaqaan MAANDEEQ.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa yiri “Bangigaan casriga ah inay joogto waxay muujinaysaa in bangiyadu ay sii hormarayaan, bangigaan arrin aan bangiyada ku badnayn ayaan ku arkaa oo ah in ay kala soocan yihiin maamulka iyo lahaanshaha ra’sul-maalka…. Waa xigmad, waa caqli, waa nidaam casir ah oo sidii laga rabay ah”. Ayuu yiri Bashiir Cali.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” ayaa tilmaamay in bangigaan oo tusaale u yahay isbedelka ay magaalada Muqdisho ka gaareyso dhinaca horumarka.

“Waa tallaab kale oo horumarineed oo ku soo korortay magaalada Muqdisho, Premier Bank waxaan leeyahay hambalyo.  Arrintaas waxay na tusinaysaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen inay dalkooda maalgashadaan” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha Bankiga Premiere JirbilXassan Maxamed ayaa yiri “Waa bangi ay ganacsato SOomaaliyeed leedahay…. Waxan rabaa inaan dadka u sheego in bangigaan uusan u dhisnayn inuu dadka lacag la sameeyo ee ay tahay ummaddaan SOomaaliyeed ee dhibaatada badan soo martay ee habka dhaqaale ee adduunka laga gooyay  inaan ku soo celinno. Falsafaddeenu waxay tahay dadka ka qaada kuna celiya”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tallaabo kale oo dalku dhinaca horumarka u qaaday ku timaamay adeegyada cusub ee uu soo kordhiyay bangigani, isagoo ku dhiirri galiyay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan maalgelinta dalka.

“Bangigani wuxuu yahay qiimi dheeri ah oo ku soo darsoomay dadaalladii waayadii dambe dalka ka socday runtii, waana wax ummada SOomaaliyeed oo dhan ay ku faanto” ayuu yiri madaxweynaha oo ku amaanay maamulka Premiere adeegga ay dalka ku soo kordhiyeen.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirri galiyay inay adeegsadaan bangiyada noocaan oo kale ah. “Waxaan aad iyo aad ugu dhiirri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed inay adeegsadaan bangiyada, Bankigaan iyo kuwa la mid ah ee bixin kara adeegyada inay isticmaalaan oo ay ku dhaqmaan.

Premier Bank waa Bangi Islaami ah oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, ruqsadna ka haysta bankiga dhexe ee Soomaaliya, isla markaana dalka ku soo  kordhiyay adeegyo ay ugu muhiimsanyihiin MasterCard oo markii ugu horreysay tariikhda dalka la keenay, maaligelin waafaqsan Shareecada Islaamka iyo SWIFT lacago meel kasta loogu dirsan karo.

premierB.jpg



Add New Comment