Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray magaalada Jabuuti


Munaasabad ka dhacday magaalada Jabuuti ayaa waxa tababar socanayey muddo saddex bilood ah maanta lagu soo xiray magaaladaasi, ayadoona ay ka qayb galeen wasiiro ka kala tirsan xukuumadaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Munaasabadda ayaa waxa hadal ka jeediyey taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/guute Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, asagoona ugu horreyntiiba ka mahad celiyey dadaallada kor loogu qaadayo tayada ciidanka ee ay gacanta ka geysanayaan dalalka Midowga Yurub, gaar ahaan dalka Talyaaniga oo asagu tababarka maanta la soo xiray bixinayey.

Taliyaha ayaa sidoo kale ciidankan tababarka dhammeystay kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkoodaba uga faa'ideeyaan aqoontii ay ka kororsadeen intii uu socday tababarka.

Munaasabadan ayaa waxa kale oo goobjoog ka ahaa wasiirrada amniga gudaha, Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud ee Qarankaayadoo dhinaca dalka Jabuutina ay ka socdeen wasiirka gaashaandhigga iyo ku-simaha wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi, waxa kale oo goobta ay munaasabaddani ka dhaceysay ku sugnaa saraakiishii Talyaaniga ee tababarka siisay ciidanka Soomaaliyeed oo uu horkacayey Gen. Tulio del Sette.

soo xirid.jpg

 

Add New Comment