Madaxweyne Xasan Oo Kulan La Qaatay Guddiga Badbaadinta Iyo Samatabixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kullan kula qaatay xubnaha Gudiga Samatabixinta iyo Badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee uu dagaalku ku qabsaday dalka Yeman.

Madaxweynaha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada xaajooday sida ugu habbon ee loogu gurman karo dadkaasi Soomaaliyeed ee muddada dheer qaxootiga ku ahaa dalka Yeman, haatanna ay dhibaato xooggani ka heysato sidii ay uga badbaadi lahaayeen dagaalka sokeeye ee ka socda waddankaasi.

Guddiga ayaa madaxweynaha uga warbixiyey wixii ilaa iyo haatan u qabsooomay, ballanqaadyada ay ka heleen hey'adaha dowladda, bulsahada rayadka, ganacsatada iyo beesha caalamkaba, waxayna rajo ka muujiyeen in wax kasta oo la kari karo ay qabsoomi doonaan.

guddida.jpg


Add New Comment