Cabdiraxmaan Ceynte oo la kulmay dhiggiisa Jarmalka


CaynteB.jpgWasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa dalka Jarmalka kula kulmay dhiggiisa dalkaas Thomas Silberhorn, isagoo kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Qoraal kooban oo uu Cabdiraxmaan Ceynte soo dhigay bogga arrimaha bulshada ee Facebook ayuu ku sheegay ujeedda uu u tagay Jarmalka soo nooleynta iskaashigii Jarmalka ee ku aaddanaa fulinta mashaariic horumarineed oo ay kamid ahaayeen biyaha, beeraha, farsamada gacanta iyo tayeynta ciidanka Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in uu casuumaad rasmi ah ka helay masuuliyiinta dalka Jarmalka.

Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sidoo kale la kulmay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Jarmalka Edelgard Bulmahn, agaasimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Jarmalka, kuwaasoo uu kala hadlay wada shaqeyn iyo iskaashi dhow oo dhex mara labada dal.


Add New Comment