Wakiilka Qaramada Midoobay oo Dowladda Federaallka ku ammaanay horumarka ay ka sameysay siyaasadda iyo ammaanka


NikayB.jpgWakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nikolas kay ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbxiyay xaalada Soomaaliya kaddib kulan goluhu uu ku yeeshey magaalada New York ee xarunta Q.M.  Ergeyga gaarka ah ee QM Soomaaliya ayaa golaha u faah faahiyay marxaladda uu haatan dalka Soomalaiya marayo, yoolka la hiigsanayo iyo waxyaabaha la wajahayo, waxaana kamid mid ah meelaha uu diiradda saaray  horumarka laga gaaray siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka, dib u eegista dastuurka, doorashooyin ka dhaca Soomaaliya 2016, dhismaha maamul goboleedyada, iyo doorashooyinka ka dhacaya Soomaliland, gaar ahaan waqtiga la iclaamiayay in doorashadu ay dhacdo lagu daray baahiyaha loo qabo taageerada laga doonayo beesha caalamka.

Mr Kay ayaa ku ammaanay dowladda Federaalka ah ee Soomaliya in ay guulo ka gaartay horumaro badan, ayadoo ay jireen caqabado sida uu sheegey mar uu tusaale ahaan u soo qaatay 25 sano kadib meesha lamarayo, laakiinse wuxuu xusay in hadafka ugu weyn uu yahay in mudo kordhin aysan jiridoonaan, rajana uu ka qabo in dalka la gaarsiiyo doorasho ay ka qeyb qaataan mushatanmaca Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray warbixintiisa uu siinayaay golaha ammanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa wuxuu soo hadal qaaday dadaalka madaxda dowladda Soomaaliya ay ugu jiraan dhamaystirka howlaha lagu gaari karo hiigsiga 2016ka wuxuuna sigaar ah u soo hadal qaaday dib u eegista dastuurka oo weli howsheedi socoto maadaama uu dastuurku udub dhexaad u yahay nidaamka dowladnimo ee dalka kajira iyo qabsoomida doorasho.

Arrimaha maamul goboleedyada, Danjire Nikolas Kay ayaa yiri” QM waxaa ay si dhow ula shaqeynaysaa Midowga Yurub, Midowga Africa, urur goboleedka IGAD si Soomaaliya looga hirgeliyo nidaamka Federaalka ah, gaar ahaan dhismaha mamaul goboleedyada dalka oo laga qeyb geliyo haweenka, dhallinyarada  iyo bulshada inteedi kale, taasina waa arin muhiim ah QM way la socondoonaataa inta howlahaasi laga miradhalinayo”

Mar uu ka soo hadal qaaday dhaqaalaha dalka ayuu sheegey in tallaabooyin horumaro ah ay jiraan gaar ahaan hanaanka maaliyadeed oo ay sameysay dowladda Soomaaliya sidoo kalena barnaamijka New Deal ayuu ku sheegey in wax badan ka kaabidoono Soomaaliya.

Nikolas kay ayaa sheegey in dhinaca beni’aadanimada marka la fiiriyo xaalada ay tahay mid weli liidata, wuxuuna ku celceliyaya qoxootiga ka soo cararaya dagaalada dalka Yemen ka socda iyo baahiyaha loo qabo in dadkaasi daryeel loo fidiyo, howlaha gaar kaalmooyinkii loogu talagay weli sidii larabay uma imaanina, caqabadaha jira waxaa kamid ah dhibaatooyinka xawaaladaha ka haysata Soomaalida, roob yari iyo daruufo kale oo isbahaysta.

Geesta kale Maman Sidiku oo ha ergayga gaar ak ee Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa isna xusay in howlgalka Midowga Africa uu sii socon doono ilaa 2016 ay ammaan ku soo dabaalaan Soomaaliya, isagoo xusay in QM looga fadhiyo in wixii xiligaasi ka dambeyeye ay qorshe cad la yimaadaan.

Mr Sidiku ayaa ku dheeraaday guulihii Militeri oo ay soo hooyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanayo kuwa Midowga Africa.


Add New Comment