Maamul-goboleedka Puntland oo ka laabtay xayiraaddii Telefishinka Qaranka Somaliya SNT


Maamul Goboleedka Puntland, ayaa gelinkii dambe ee maanta sheegay in ay ka laabteen xayiraaddii Telefishinka Qaranka Somaliya ee SNTV, kaddib markii ay goor hore oo maanta ah ka  mamnuuceen degaanadooda.

Puntland, ayaa waxay Telefishinka Qaranka ku eedeysay in uu ka been sheegay doorkeeda ku aadan, qaabilaada ay u samaynayan shacabka ka soo cararaaya dagaalada dalka Yemen.

Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland, C/laahi Xaashi Warsame (Qoob-deero), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay xayiraadii ka qaadeen Telefishinka afka Dowladda Somaliya ku hadla.

Wasiir Ku Xigeenka, ayaa sheegay inay tani ka dambeysay kulan uu la qaatay 30 ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgasha deegaanada Puntland, ayna isku waafaqeen in cafis loo sameeyo Suxufigii khaladka ku kacay, sida uu yiri.

Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, ayaa duhurnimadii maanta sheegtay inay ka xun tahay tallaabada TV-ga Qaranka looga mamnuucay dhulka, ay Puntland ka arrimiso.


Add New Comment