Diyaaradii siday dadkii ugu horeyay oo Yeman ka soo cararay oo soo gaartay Muqdisho


Sadexdii galabnimo ee maanta ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo degatay dioyaarad siday 95 ruux oo Soomaali ah kuwaas oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yeman oo mudooyinkii dambe ay dagaalo ka dhacayeen.

Dadka maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa u badnaa haween iyo carruur waxaana garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, hey’adaha gargaarka iyo gudiga badbaadinta dadka Soomaaliyeed ee Yeman ku dhibaateysan iyadoo loo diyaariyay dadkan cunto iyo dawooyin si qofka xanuunsanaya loo daweyo.

Mas’uuliyiintii garoonka joogtay oo aad u badnaa ayaa waxaa kamid ahaa marwada Madaxweynaha dalka iyo wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wariye Leylo Cadceed Cismaan oo ka tirsan howlwadeenada warbaahinta qaranka isla markaana kamid aheyd saxfiyiintii ilaa saaka diyaaradda ku sugayay garoonka Aadan Cadde ayaa soo sheekaysa in dadkan maanta soo gaaray dalka ay si aad ah ugu faraxsanaayeen imaanashooda dalka iyo sida balaaran ee dowladda Soomaaliya u soo dhaweysay.

Leylo ayaa intaa ku dartay in garoonka lagu diyaariyay cunooyin fudud oo looga talagalay dadka imaanaya iyadoo sidoo kalena ay garoonka joogeen Ambulance iyo Kaalkaaliyiyaal si haddii qof caafimaadkiisu liito dhaqse loo daweeyo.

Wasaaradda Arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadkan Soomaaliyeed dib u dejin loo sameyn doono isla markaana xaaladooda la la socon doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal aad u badan ugu jirta sidii dadka Soomaaliyeed ee Yeman ku dhibaateysan loo soo bad baadin lahaa iyadoo dadkan galabta soo gaaray Muqdisho ay noqoneyaan kuwii ugu horeeyay oo soo gaara magaalada Muqdisho tan iyo markii dagaalada ay ka bilowdeen dalka Yeman.


Add New Comment