Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta ka badbaaday qarax lala beegsaday


Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ka badbaaday isku day la doonayey in lagu khaarajiyo, kaddib markii walxaha qaraxa loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday, meel u dhow degaanka Lafoole ee gobolka Sh/Hoose.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa maalmahan ku sugnaa degmooyinka Afgooye, Wanleweyn iyo degaano kale oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayuu maanta qaraxu ku qabsaday meel u dhexeysa degaanka Carbiska iyo degmada Afgooye, wuxuuna ku jeeday deegaanka Lafoole uu doonayay inuu halkaasi kula kulmo dadka deegaanka.

Afhayeenka maamulka, C/qaadir Maxamed Nadara, ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin cid qaraxa wax ku noqotay, isagoo sheegay in miino dhulka lagu aasay ay sababtay qaraxaasi.


Add New Comment