Guddoomiye Muungaab oo qoysas laga kiciyay 21-ka October ku wareejiyay dhul ay degaan “SAWIRRO”


Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in uu dib u dajin u sameeyo qoysas dhawaan laga kiciyay aga gaarka 21-ka October ee degmada Waaberi, kuwaasi oo maanta lagu wareejiyay dhul ku yaala agagaarka Asluubta oo loogu talagalay in dib u dajin loogu sameeyo.

Qaar ka mid ah qoysaskii dhulka lagu wareejiyay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dhulka lagu wareejiyay, waxaana ay codsadeen in ceel loo qodo, isla markaana la xoojiyo adeegyada bulshada.

“Waan arki jirnay dowlad dhul naga kicisa, laakiin ma arki jirin mid dhul noogu badasho hadii aan nahay shacabka maanta dhulka la siiyay, waxaan idinka baahanahay in Mamulka Gobolka banaadir u noo dhiso xarumaha danta Guud, sida xarunta Degmada, xarun Boolis, Ceel iyo Jid,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dhulka lagu wareejiyay

Guddoomiyaha Gobolka banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in 60 qoys uu ku wareejiyo sharciyada lahaanshiyaha dhulka maanta ay dowladda hoose siisay qoysaskaasi oo ka haray qeybtii horey dib u dajinta loogu sameeyay aga gaarka Asluubta.

“Dhulkan dowladda Hoose ayaa bixisay, tan kale Maamulka Gobolka waxa uu idinka caawinayaa dhismaha Masjid, xarumo caafimaad, waxbarasho, saldhig boolis iyo waddo ay dadku isticmaalaan” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo gacantiisa ku siiyay qoysaska suburloogada iyo rajabudka Dowladda hoose.

GudMuungaabB.jpg

Add New Comment