Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta booqasho ku tagay magaalada Kismaayo


Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.Wafdiga ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweeyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubbaland.

Kaddib salaan iyo soo dhaweyn, waxaa wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhigga loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweeynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Masuuliyiintan oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaxtooyada ayaa waxa ay sheegeen in ujeedada imaatianka wafdigan ay ugu muhiimsantahay mideynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo weliba sidii loo dhisi lahaa ciidamadii qaranka Soomaaliyeed (SNA).

KismaayoVisit.jpg

Add New Comment