Wasiir Odowaa: “Wejiga labaad ee shirka Cadaado wuu furmay, dadka cabanayana xalkooda ayaan ku jirnaa”


Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ka hadlay xaaladda shirka Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud, asagoona sheegay in howlo badan ay qabteen laguna guuleystay inay xareeyaan odayaasha inta badan beelaha gobolada dhexe.

Wuxuu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha in 11-beel oo ka kooban beelaha Mudug iyo Galgaduud 8-beel oo ka mid ah la xareeyay, isla markaana beelaha dhiman ay la fureen wadahadallo ay shirkaasi uga qeyb gelayaan.

“Wejiga labaad ee shirka Cadaado wuu furmay, dadka cabanayana xalkooda ayaan ku jirnaa” ayuu yiri Wasiir Odowaa oo sheegay in mar kasta ay jiraan dhibaatooyin ay kala kulmayaan in maamul loo sameeyo beelo kala oodnaa muddo badan.

Wasiirka ayaa sheegay in laba arrimood ay u tageen magaalada Cadaado, waa tan koowaade inay la kulmaan waxgaradka cabanaya, taasi oo uu sheegay inay soo dhammaatay inta badan odayaashii dhibaatada ka cabanayay.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inay saxeen khaladaadyo ka jiray qaabka odayaasha dhaqanka uga qeyb gelayaan shirkaasi, isagoona beeniyay in dowladdu faragelin ku heyso arrimaha shirka Cadaado.

“Qof bannaanka ka jooga shirka inuu qeyliyo ma aha wax cusub, isagoo diidan oday ay isku beel oo la xareeyay” ayuu yiri C/raxmaan Odowaa oo sheegay in shirka Cadaado uu ku socdo si habsami leh.


Add New Comment