Wasiiradda Caafimaadka Somalia oo Madaxda China kala hadashay Caawinta Somalia (SAWIRRO)


Wasiiradda Caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa booqasho ku tagtay toddobaadkan Shiinaha iyadoo la kulantay Wasiirka Caafimaadka Shiinaha, Li Bin, waxayn kawada hadleen sidii loosoo celin lahaa mashaaricdii Caafimaadka ee Shiinuhu ka fulin jiray Somalia, gaar ahaan dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka Banaadir oo ka mid ah Isbitaalada horay uu u dhisay Shiinaha.

Labada wasiir ayaa ku heshiiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Wafdi ka socdo Wasaaradda Caafimaadka Shiinaha loogu soo diro Somalia si ay u qiimeeyaan baahida caafimaadka ee Somalia ka jirta, sidoo kale waxaa la isku af-gartay in heshiis labada dal ah la kala saxiixdo dhawaan.

Sidoo kale, wasiirradda iyo Wafdigeeda ayaa waxay booqdeen saddex gobol oo ka tirsan Shiinaha, iyagoo indho-indheyn ku sameeyay warshadaha soo saara dawooyinka, isbitaal-lada, Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista ee Shiinaha.

Xaawo Xasan ayaa sidoo kale waxay la kulantay madax kala duwan ee dalka Shiiinaha gaar ahaan guddomiyayaasha saddexda gobalka ee ay booqatay, waxayna isku dhaafsadeen kulankaas arrimo la xiriira sidi kor loogu qaadi lahaa tacliinta iyo deeqda wax barasho ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed, waxayna wasiiraddu kala hadashay dhammaan madaxdii ay la kulantay in ardayda Soomaaliyeed laga caawiyo dal-ku-galka Shiinaha oo maalmahan aad ugu adkaa ardayda heshay wax barashada dalkaas.

Dhanka kale, waxay wasiirradda ayaa sheegtay in madaxda Shiinaha ay kulankooda kusoo qaadeen cabashada ardayda Soomaaliyeed ee ku aaddan in marka uu ruux ka dhinto aanay heli karin qubuuro ay ku aasaan, taasoo wasiirradu ay xustay inay ku adkeysay madaxda Shiiinaha sidii cabashadaas wax looga qaban lahaa.

Ugu dambeyn, wasiirradda iyo wafdigeeda ayaa kulammo la yeeshay Soomaalida ku nool dalka Shiinaha, iyadoo ku boorrisay inay ka qaybqaataan horumarinta dalka iyo ay gacanta uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka.



Add New Comment