Guddoomiye JawaariI: Maamul Goboleedyada dalka ka jira looguma yeeri karo Dowlad-Goboleedyo


Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sh. Cusmaan (Jawaari) ayaa markii ugu horreysay sheegay in maaml-goboleedyada dalka ka jira aan loogu yeerin dowlad-goboleed illaa uu baarlamaanku ka ansixinayo in magacaas loogu yeeri karo iyo in kale.

Prof. Jawaari ayaa hadalkan shalay ka sheegay kulankii baarlamaanka, isagoo tilmaamay in shuruucda dalka aysan waafaqsaneyn in maamullo KMG ah loogu yeero dowlad-goboleed.

“Waxaa maqlay dad badan oo oranaya dowlad-goboleed, ma ahan dowlad-goboleed ee waa maamulo KMG ah, Dowlad-goboleed waxaa noqon kara maamul ka taliya Labo Gobol iyo wixii ka badan baarlamaanka Ansixiyo,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa xusay inaanay ahayn in dadku Isku-qaldaan maamul KMG ah iyo dowlad-goboleed, wuxuuna intaas ku daray in shardiga dowlad-goboleed lagu noqon  karo ay tahay in baarlamaanku ogolaado.

Maamul-goboleedyada KMG-ka ah ee Dalka ka jira ayaa Waxaa inta badan loogu yeeraa dowlad-goboleedyo, iyadoo qoraallada kasoo baxa madaxtooyada ee ku aaddan ka hadlidda maamulllada dalka ka jira inta badan loogu yeero in ay yihiin dowlad-goboleedyo.

Dhanka kale, Hadalka Prof. Jawaari ayaa imaanaya iyadoo Hoggaamiyeyaasha maamullada gobollada dalka loogu yeero Madaxweynayaal, taasoo ah mid aad loogu kala aragti duwan yahay.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa inta badan isticmaasha inay tahay dowlad-goboleed, iyadoo shirkii lagu soo gaba-gabeeyay dhawaan Garoowe War-saxaafadeedkii kasoo baxday loogu yeerayay maamul-goboleedyada inay yihiin dowlad-goboleedyo.


Add New Comment