Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo la kulmay Guddiga isku-dhafka Ciidamada Somalia (sawirro)


Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa kulan dardaaran iyo Dhiirri-gelin isugu jiray la Qaatay Guddiga isku-dhafka ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo ay dhawaan magacowday Wasaarada Gaashaandhigga, isla markaana isugu jira aqoon-yahano iyo khubaro ku xeel-dheer arrimaha ciidanka muddo dheerna kasoo shaqaynayay, kana kooban qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa wuxuu kulanka ku weheliyey Wasiir-u-dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga, Maxamed Cali Xaggaa iyo masuul ka socday urur-goboleedka Bariga Afrika ee IGAD.

Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa u sheegay xubnaha guddiga isku dhafka ciidamada in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba ay ka sugayaan ciidan isku dheeli tiran oo ka kooban qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo xubin walba oo kamid ah guddigan ay mas’uuliyadi ka saaran tahay xaqiijinta iyo gaarista howlaha muhiimka ah ee loo xil-saaray.

“Sidii aan horay ugu balannay, waajibaad Qaran ayaa idin saaran, xubnaha guddiga waa kuwa aan ku kalsoonahay inay si hufan u gudan doonaan shaqada loo xil-saaray, sidii uu shalay idiin sheegay madaxweyne, Xasan Sh. Maxamuud - howsha la idinka sugayo waa inaad shacabka u horseeddaan dhismaha ciidammo Qaran oo mideysan,” ayuu yiri Wasiirka difaaca Somalia Jen. Diini.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay wasiir-u-dowlaha wasaarada difaaca Maxamed Cali Xagaa oo guddiga isku dhafka madax u ah, wuxuna sheegay in mideynta ciidamada ay tahay mid door muuqato ka qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo inay noqdaan ciidan awood ballaaran leh.

Wasaaradda Difaaca Somalia ayaa wada dadaallo lagu doonayo in la isugu dhafo ciidamada Xogga Dalka Soomaaliya, si loo helo ciidan leh tayo sare oo matalaya Soomaaliya oo dhan, iyadoo dhawaan ay xubnaha guddigan ee  ka kooban 15ka xubnood ay booqan doonaan maamullada ka jira Soomaaliya.

isku dhaf.jpg


Add New Comment