Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Muqdisho ka furay xero ciidan oo dib loo dayactiray


Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah eesalaam madaxeed.jpg Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray xero loogu talagalay tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taasoo ay dayactir xooggan ku sameysay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Sidoo kalena waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh maanta tababar lix bilood socday u soo xiran ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay tababarayeen saraakiil ka socotay Dowladda Imaaradka Carabta oo isla xeradaas maanta la furay ka socday.

Gebagebadii ayuu madaxweyne Xasan uga mahad celiyey dowladdaa aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta taageerada hiil iyo hooba leh ee ay had iyo jeer la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa horey u ballan qaadday in ay dalka Soomaaliya ka caawini doonaan dhinacyada ammaanka iyo dib-u-dhiska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeedba.



Add New Comment