Wasiir Odawaa oo sheegay in Dowladda Somalia ay la Fariisanayso Cid walba oo Cabasho Qabta


WasiirODAWAA.jpgWasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo hoggaaminayay Wafdi maanta tagay Magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in dowladda Somalia ay diyaar u tahay inay la fariisato cid walba oo cabasho qabta.

Odawaa ayaa markii u Magaalada Cadaado tagay la hadlay Warbaahinta in Sababta ay u tageen ku sheegay sidii ay u dar-dar-gelin laha shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Mudug iyo Galguduud.

“Arrinta koowaad ee Halkaan u nimid Cadaado waa in Shirka Wajigiisa Labaad loo gudbo, odayaashii dhaqanka waa la xareeyay, dabcan Qaylo ayaa ka jirta waxaanse doonaynaa in Wajiga labaad ee Shirka loo gudbo, isla markaana la iska wareysto Ergooyinka,” ayuu yiri  wasiirku arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray in Qodobka Labaad ee Cadaado ay u tageenna uu yahay sidii ay ula fariisan lahaayeen ciddii tabasho qabta loona qancin lahaa. Isla markaana shirka la dar-dar-geliyo.

“Qodobka saddexaad ee aan u nimid waa inaan la soconno horu-socodka ay siyaasiyiinta, guddiga farsamada iyo waxgaradka horay u joogay degmada, inagoo joogi doonnaa dhowr maalmood si shirka socda loo dar-dar-gelin lahaa,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya uu Hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somalia, C/raxmaan Caynte iyo xildhibanno, waxaa kaloo wafdigaan isagana la socday madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, C/llaahi Beerleex oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Dhanka kale, Wax-garad kulan ku yeeshay maanta Magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay faragelin ku hayso shirka, iyagoo xusay in haddii ay ka dayn waydo uu shirku burburi doono.

Ugu dambeyn, qodobbadii ay soo saareen waxgaradka shiray ayaa waxaa ka mid ahaa; In dowladda Somalia ay faragelin joogto ah ku hayso shirka ayna isku dayayso inay xoog u adeegsato ciddii ka Hor-timaadda, taasoo sabab u noqon karta inuu shirku burburo.


Add New Comment