Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Qatar uga qayb galaya shir caalami ah


Wafdi uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Cumar C/rashiid Cali Sharma arke oo uu wehliyo  wasiirka arrimaha dibada Iyo dhiirigelinta maalgashiga  Cabdi Salaan Hadliye Cumar ayaa gaaray wadanka Qatar magaalada caasimada u ah ee Dooxa halkaasi oo wafdiga ra’iisul wasaaraha si diiran loogu soo dhaweeyay.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa oo ka kooban 7xubnood ayaa waxaa ay caawa uga qayb galeen wadankaasi  shir looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha mustaqbalka ee bariga dhexe waana shirkii shan Iyo tobnaad ee arintaaas looga hadlo waxaa uu shirkaasi caawa ka furmay magaalada Dooxa iyadoo lagu wado in la soo gabagabeeyo 13.05.2015 oo ku beegan maaalinta Arbacada.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo kulankaas caawa ka furmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar isla markaana uu si gaar ah khudbadiisa diirada ugu saaro arimaha dalka Soomaaliya dhanka dhaqaalaha.

RW Omar.jpg



Add New Comment