Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu dhaawacay Muqdisho


Waxa maanta Duhurnimadii degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ay dabley hubeysan ku dhawaaceen sarkaal lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ka tirsan Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dableyda oo gaari wadatay ay rasaas ku fureen gaari uu watay Sarkaalkan oo la sheegay inuu ahaa Agaasimihii Xafiiska Immigration-ka ee qeybta Baasaboorada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in weerarkan oo ka dhacay agagaarka xaafada Siigaale ay dableyda hubeysan gaari ku hor-gooyeen gaarigii uu watay agaasimaha dabadeedna rasaas ku furay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhaawaca Agaasimaha Immigration uu yahay mid fudud, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku booqday isbitaalka Madiina.

Weerarada lagu fulinayay gaadiidka ee ay adgeesadeen dableyda hubeysan ayaa ahaa kuwo magaalada Muqdisho ku soo badanayay, waxaana horay lagu dilay xildhibaano, saraakiil iyo dad kala duwan, waxaana weerarada mas’uuliyadooda sheeganeysay Al-Shabaab.


Add New Comment