Gabar Soomaali ah oo billad caalami ah la guddoonsiiyey



Gabar Soomaali ah oo u doodda xuquuqda haweenka Soomaaliyeed, ayaa xalay magaalada London  lagu guddoonsiiyey billad caalami ah oo la xiriirto howlaha xagga bani’aadanimada.

Ifraax Axmed oo madax ka ah hay’ad aan dowli aheyn, oo  u ololeeyo joojinta gudniinka fircooniga, iyo sare u qaadidda xuquuqda haweenka ayaa ku guuleystay billadda caalamiga ah ee bani’aadanimada, oo ay ku muteysatay u doodidda xuquuqda dumarka Soomaaliyeed.

Abaalamrinta ay  Ifraax heshay, ayaa ah mid la siiyo haweenka Afrika ee ka shaqeeyo xuquuqda aadanaha iyo gargaarka, waxaana u sharaxnaa tiro haween Afrikaan ah.

Waxay ayaa ka sheegtay munaasabadda abaalmarinta lagu siiyey in ay ku faraxsan tahay, waxayna ballanqaaday in ay sii wadi doonto in ay taageerto dumarka Soomaaliyeed.


Add New Comment