T A C S I, Geerida naxdinta leh ee marxuum Caaqil Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Feerow)


inaalilaahi[1][1].jpg



Waxaa maanta magaalada Ottowa ee xarunta dalka Canada ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee marxuum caaqil Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Feerow) oo ka mid ahaa odayaasha qurbajoogta Soomaalida kuwooda ugu caamsan ee ku nool guud ahaan waqooyiga Ameerika, gaar ahaan dalka Canada.

Marxuum Caaqil Cabdullaahi Maxamed Cabdi (Feerow) oo 75 sano jir ahaa ayaa waxa uu ifka kaga tagay carruur fara badan oo isugu jira qaar uu dhalay iyo qaar ay sii dhaleen.

Geerida naxdinta leh ee marxuumka ayaa waxa loogaga tacsiyenayaa xaasaskiisa, carruurtiisa, walaalihiis reer Maxamed Cabdi iyo guud ahaan eheladiisa oo ku kala sugan gudaha dalka iyo dibeddiisaba, asagana waxa Allaah loogaga baryayaa in uu ka waraabiyo jannadii Farduusa, aamiin, aamiin, aamiin.

Add New Comment