Ciidamada Badda Fransiiska oo qabtay dooni hub u soo siday dalka Soomaaliya



Ciidamada badda Fransiiska ee qaybta ka ah ciidamada caalamka ee ilaalada ka haaya xeebaha dalka Soomaaliya oo qabtay dooni hub farabdan siday oo ku soo wajahneyd xeebaha dalka Soomaaliya.

Doonidaan laga qabtay Waqooyiga Badweynta Hindiya ayaa sida la sheegayo waxaa saarnaa Boqolaal ka mid ah qoryaha daran-dooriga u dhaca, Hubka liddiga ku ah Taangiyada iyo sidoo kale Qoryaha loo yaqaano AK-47s.

Taliska Ciidamada Badda ee Dalka Faransa oo ka hadlayay qabashada Doonidaasi ayaa sheegay in ay baaritaan ku wadaan Dadkii la socday Doonidaasi oo aan weli la sheegin Dalka laga leeyahay iyo Cid ay u siday Hubkaasi.

Taliska ayaa sidoo kale tilmaamay qabashada doontaasi in ay timid kadib markii Diyaarad nuuca qumaatiga u kacda oo laga leeyahay Dalka Faransa ay ka warheshay in Doonida lagu soo qariyay Hub, islamarkaana ay ku wargelisay Saraakiisha Ciidamada Badda Dalkaasi Faransa.

Afhayeenka howlgalka Midowga Yurub ee la Dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa sheegay in talaabadaan ay qaadeyn, iyagoo raacaya xayiraada  Qaramada Midoobay ee Hubka, taasi oo saaran Dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

Todobaadyo ka hor ayey aheyd markii Markab Dagaal oo laga leeyahay Dalka Australia uu qabtay Doon saaran Hub kala duwan, taasi oo ku soo wajahneyd Xeebaha Dalka Soomaaliya.


Add New Comment