Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Horumarka Amniga Caasimadda



Moga mayor.jpgMaamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka warbixyey howlgallada lagu adkeynayo ammaanka caasimadda kuwaasoo ay wadaan ciidanka ammaanka ee Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shir jaraaid qabtay maanta ayaa ka hadlay howlgallada ka socda magaalada Muqdisho isagoo dhinaca kalana ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan sugidda ammaanka.

Dhanka kale guddoomiyah gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegey in dhawaan labilaabi doono qaadashada teesarada dhalashada si loo xaqiijiyo dhaq dhaqaaqa muwaadin kasta taasi oo sahlaysa sugidda amniga.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan xaqiijinta amaanka iyo horumarinta caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.


Add New Comment