Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay dagaalka ay kula jiraan Shabaabka soo galay Mudug



MCG GM.jpgMadaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dagaalo ka socday deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Mudug, kaasoo u dhaxeeya ciidamada Galmudug iyo dagaalyahanadii Shabaabka ahaa ee ka soo firxaday dhanka Puntland.

Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Gaalkacyo iyo deegaanada kale inay meel uga soo wada jeestaan Al-Shabaab, isla markaana ciidanka lagu taageero.

“Waxaa rabnaa in dhamaanteen inaan meel uga soo wada jeesano Al-Shabaab, kii caanaha, hilibka biyaha iyo wixii kale qaadi kara, kii qori qaadi kara, qof walba qeybtiisa haka qaato, waxay rabaan in inta noo hartay inay qabsadaan”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in Ciidamada Galmudug ay dagaalo kula jiraan Shabaabkii ka soo cararay Puntland, waxaana uu xusay inay ka adkaan doonaan.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ilaa 25 dagaalyahan gacanta ku dhigeen, halka tobaneeyo kalena ku dileen dagaalo ka dhacay deegaanka Dinooda oo ku dhow deegaanka Af-Barwaaqo.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sheegay in Al-Shabaabka ka soo firxaday Puntland ay doonayaan inay wado furtaan, ayna gaaraan deegaanada kale, waxaana uu xusay inay is hortaagayaan oo ay la dagaalamayaan wixii ka soo haray dagaalyahanadii galay Puntland todobaadyo ka hor.

Puntland ayaa sheegtay inay soo afjartay dagaalkii ka socday dhanka Garacad, isla markaana dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ay galeen Koofur Mudug oo ay ka taliyaan Al-Shabaab.



Add New Comment