Munaasibad lagu xusayey marxuum C/laahi Ciise oo Muqdisho lagu qabtay





Munaasibad balaaran oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoon yahano, culumaa‘udiin, iyo xubno kale, taas oo  lagu maamuusayey Cabdulalaahi Ciise Maxamuud,oo ahaa ra’iisulwasaarihii dowladdii daakhiliga aheyd.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay dukumintiyo ka hadlaya taariikhdda Allaha u naxariistee  Cabdulaahi Ciise Maxamuud, waxaana goobtaas dadka  loogu qeybiyey taariikhda nololeedkiisa.

Cabdulaahi Ibraahim Gacal Abkoow, oo la soo shaqeeyey halgamaa Cabdulaahi Ciise ayaa ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday ka sheekeenta taariikhdiisa.

Wasiir dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda Soomaaliya  mudane Maxamuud Xasan, oo kamid ahaa siyaasiyiintii munaasabadda ka hadashay waxa uu sheegay in Allaha u naxariistee  Cabdulaahi Ciise, uu ahaa halyeey ku dayasho kudan.

Sanadkii 1922 ayuu ku dhashay degmada Afgooye, waxaana uu kamid ahaa halgamiyaashii Soomaaliya ee la soo dagaalamay gumeystihii, waxaana uu geeriyooday 24 bishii Maarso sandkii 1988.

 


Add New Comment