Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay xaaladda ammaan ee deegaannada Galmudug



Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shir jaaraa’id oo uu maanta qabtay uga hadlay xaaladda ammaan ee deegaanada Galmudug iyo dhaqdhaqaayada ay maleeshiyaadka Shabaab ka wadaan deegaanno ka mid ah Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa xusay in maleeshiyaadka Shabaab ay isku urursanayaan degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo uu sheegay iney ka jareen isgaarsiinta, isagoo tilmaamay iney heegan geliyeen ciidamada Galmudug ayna ka hortagayaan maleeshiyaadkaasi.

“Dareen aad u weyn ayaan ka muujinay deminta isgaarsiinta degmooyinkaasi iyo is urursiga ay deeganadaasi ka wadaan, taasoo dhiillo xambaarsan, anagana xooggaga yaga heegan culus ayaan gelinay, hadana waxaa nasiib darro ah in weerar dhinaca badda ah ay ku qaadeen dowlad goboleedka Puntland oo ah mid aan deris nahahay, saaxiibbo nahay walaalana nahay, aad iyo aad ayaan uga xunnahay weerarkaasi isaga ah, anagana hadaan nahay Galmudug waxaan diyaar u nahay in walaalaheena Puntland an iskaashi buuxa kala yeelanno la dagaallanka sharwadaayasha Alshabaab” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu la hadlay kaddibna ay isku afgarteen in lagama maarmaan uu yahay iney iskaashi ka yeeshaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee ku duulay deegaanno ka tirsan Puntland.


Add New Comment