Ra’iisul wasaare Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Talyaaniga



Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxda dalka Talyaaniga, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda waxa ay warbixin ka dhageysteen safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga oo ka warbixiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku nool.


Add New Comment