Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay in Cunno-qabateynta Hubka laga Qaado Soomaaliya



Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in cunno-qabateynta hubka laga Somalia, waxayna soo dhaweeyeen hormarka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay Somalia ku tallaabsatay.


Wasiirrada waxay kulankoodii 145-aad isku raacen in la sii wado dadaalada lagu taageerayo Somalia, iyagoo ku baaqay in laga taageero doorashada la filayo inay ka dhacdo Somalia sannadkan 2016-ka.

Sidoo kale, golaha wasiirrada Carabta ayaa isku raacay in la fuliyo Qaraarkii kasoo baxay fadhigii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Magaalada Sharma sheekh sanadkii hore ee  2016-ka, kaasoo Soomaaliya loogu taageeray 10-milion oo Doollar, looguna qoondeeyo qaab bille ah, si miisaaniyadda dalka loogu kabo.


“Waxaan ugu baaqaynaa Golaha Ammaanka ee QM inay cunno-qabateynta hubka ka qaadaan Somalia, si ay u suuro-gasho in ciidamada Somalia dib loo dhiso,” ayay ku yiraahdeen warbixin ay kasoo saareen shirkooda.

Ugu dambeyn, Bayaanka kasoo baxay kulank Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta ayaa waxay ku baaqeen in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Somalia si ay u hesho taageerada Caalamiga ah ee la Siinayo

Add New Comment