Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Beledweyn




Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa goor dhow gaaray magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, si ay ula kulmaan odayaasha dhaqanka ee wali ka biya diidan shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar iyo xubno kale, waxaana ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka ay qabaan Odayaasha dhaqanka Hiiraan, kuwaasoo horay u qaadacay shirka Jowhar.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ay horu dhac u yihiin Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo dhowaan lagu wado inuu tago Beledweyn, si uu ugu qanciyo odayaasha dhaqanka dib u ambaqaadida shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wafdigan ay kulamo la qaadan doonaan Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan, si looga arrinsado tabashooyinka ay qabaan iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa shirka maamul u sameynta.

Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa tan iyo markii uu furmay 12-kii bishii Janaayo waxaa uu ahaa mid hakad ku jiray, oo aan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin magaalada Jowhar, iyadoo markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha soo bandhigtay sida odayaasha dhaqanka labada gobol loogu qeybiyay tirada soo xuleysa ergada waxaa uu ahaa mid wajahayay mucaarado iyo dhaliilo habka loo qeybiyay, gaar ahaan saamiga beel walba heshay.

Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Beledweyn 7-dii bishan waxay kaga soo horjeesteen dib u ambaqaadida shirka maamul u sameynta labada gobol ee gogoshiisa taalo Jowhar.

Lama oga sida Xukuumadda uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare cumar Cabdirashiid uga guuleysan karto inay xaliso tabashooyinka ay qabaan beelaha, iyadoo bishii hore Safar uu Madaxweynaha ku tagay Beledweyn aanu wax natiijo ah ka soo bixin safarkiisa.



Add New Comment