Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro oo deeq lacag ah gaarsiisay dhaawacyo laga keenay Baydhabo



marwada koowaad.jpgMarwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta booqatay isbitaalka Ordegan ee Ex-digfeer, halkaasi oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku soo waxyeeloobay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo ay gaarsiisay deeq lacageed.

Marwada Madaxweynaha dalka ayaa markii ay gaartay isbitaalka waxa ay mid mid u booqatay qolalka ay ku jiraan dhaawacyada, iyadoo warbixinno ka dhageysatay howlwadeenada caafimaadka iyo qaar ka mid ah ehelada isbitaalka ku sugan, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda ay ku suganyihiin.

Xildhibaan Xabiibo Deyroow oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marwada Madaxweynaha dalka uga mahadcelisay booqashada ay ku tegtay dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo ka dhacay.

Marwo Sahro Cumar Xasan Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa sheegtay in booqashadeedu uu la xiriio sidii ay xanuunka ula qeybsan lahayd ehelada dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxaana ay Alle uga bariday in uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Booqashada Marwada Madaxweynaha dalka ay ku tegtay isbitaalka digfeer ayaa ah mid ay ugu kuurgaleysay xaaladaha ay ku suganyihiin dhawaacyadii dhawan laga keenay magalaa Baydhabo, taasi o muujineysa sida ay xanuunka ula qeybsaneyso bulshada Soomaaliyeed.


Add New Comment