Wasaaradda Caafimaadka oo wadda dadaallo lagu qaadayo Dhaawacyada daran



Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay xilli ay booqatay cusbitaalka guud ee magaalada beydhabo in dadkii ku dhaawacmey weerarkii bahalnimo ee dhawaan ka dhacay magaaladaas  loo qaadi doono Caafimaad dibadda ah.

“sidii aan dadkii hore ugu dadaali jirnay ayaan kuwaan dhawacanna ugu gargaareynaa wxaa jira kuwo u baahan caafimaad dibadda ah waxaana dadkaan u raadin doonnaa caafimaad dibadda ah” ayey tiri wasiirka caafimadka.

Dhanka kale Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in ay jiraan dhaawacyo horey waxyeello ay ka soo gaartay weerarkii xeebta liido kuwaas oo wasaaraddu ay u heshay caafimaad dhanka Turkiga ah kuwa hadda daranna lagu dari doono dadkaas.

Dhawaan waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Beydhabo ka dhacay weerarro bahalnimo kuwaas oo dad badan ay ku xasuuqeen kooxda Gumaadka Umadda Soomaaliyeed ee Shabaab, Inkastoo ay jiraan dhaawacyo daran oo u baahan caafimaad dibadda ah ayaa dadka qaar xaaladdoodu ay aad u wanaagsan tahay.


Add New Comment