Nicholas Kay oo ASWJ ugu baaqay in ay ciidankooda kala baxaan magaalada Dhuusamareeb



Nick Kay.jpg

Ergayga Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa xoogagga Ahlu Sunnah Waljamaaca ee gobollada dhexe ugu baaqay in ay ciidankooda kala baxaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Ciidamada Ahlu Sunnah ayaa laba maalmood ka hor la wareegay gaca ku heynta magaalada, kaddib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamo ay ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ayagu muddooyinkan dambe halkaasi ku sugnaa.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay ku sheegay sida uu uga  walaacsan yahay xiisadda colaadeed ee  ku soo korortay arrimaha gobolka Galguduud, wuxuuna Ahlu Sunnah ugu baaqay inay xushmeeyaan heshiiskii xabbad-joojinta ee kol hore lagu gaaray magaalada Guriceel ee isla gobolkaasi,

Qoraalka ergayga QM ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in loo baahan yahay in la dhiirrigeliyo nabadda gobolka iyo maamul u sameynta gobollada dhexe ee uu shirkoodu ka socdo magaalada Cadaado.

Warka Nicholas Kay ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ay xiisado colaadeed ka jiraan gobolka Galguduud oo ay haatan isku sii fidinayaan xoogagga Ahlu Sunnah iyoo ciidamada dowladda ee ayagu ka baxay magaalada Dhuusamareeb oo dib isu abaabulaya damacsanna in ay ay duulaan ku soo qaadaan goobaha ay Ahlu Sunnah kaga sugan tahay degaannada gobolka.


Add New Comment