XASAN SHEEKH: Waa in la xalliyo tabashada ka dhalatay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland



Hass.jpg

Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay guddigii dhawaan Xukuumadda Somalia u magacawday xallinta tabashooyinkii ka dhashay dhismaha Baarlamanka Maamulka KMG ee Jubbaland inay dardar-geliyaan hawshooda.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid ay horay Maamulka Jubbaland uga Wadahadleen Xallinta Tabashooyinka jira, la iskuna Af-gartay dhismaha guddi heer wasiirro ah, si ay u guda-galaan qaabka ugu habboon ee beelaha ada dega Jubbooyinka loo qancin lahaa.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Soomaaliya oo ah Wadan kasoo kabanaya Colaado Sokeeye, looga baahan yahay Shacabkeeda inay la yimaadaan Isku-tanaasul iyo wadahadal si loo unko mustaqbal cusub oo ka duwan kii hore.

“Aniga iyo Madaxda kale ee Dowladda iyo baarlamaankaba Waxaan isku Aragti ka nahay Dar-dar-gelinta Hawlaha dib u Heshiisiinta iyo Fulinta Barnaamijyada Hiigsiga 2016-ka. Dhismaha maamullada waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dib u soo kabashada dalkeenna, Caqabad walba oo lasoo gudboonaatana in Wadahadallo lagu dhameeyo ayaa naga go’an, isla markana dib u heshiisiintu ay sal u noqoto mustaqbalka soo socda ee Soomaaliya,’’ ayuu yiri madaxweynuhu.

Hadalka Madaxweynaha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Baarlamaanka Soomaaliya uu maalin ka hor Ansixiyay Mooshin laga keenay Baarlamaanka Jubba ee Dhawaan la dhisay, kaasoo xildhibaannadu ay u codeeyeen inuusan ahayd mid sharci ah.

Ugu dambeyn, maamulka KMG ah ee Jubba ayaa dhankiisa isagoo ka jawaabaya go’aanka Baarlamaanka Somalia ee ku Aaddan Baarlamaankooda sheegay inay Gabi ahaan u jareen xiriirka Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Add New Comment