Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba



Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ugu dambeyn cod u qaaday mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyagoo sharci darro ka dhigay dhismaha Baarlamaanka Jubba oo horay cabasho badan uga timid.

Kulanka Baarlamaanka oo ku furmay jawi degan ayaa markii la guda galay ajandaha, isla markaana Guddoonka amray in la tiriyo tirada Xildhibaanada fadhida, si cod loogu qaado mooshinka ayaa buuq ka dhashay, waxaana markii hore tirada soo xaadirtay ay ahaayeen 150.

Hase ahaatee waxaa markii dambe xarunta golaha shacabka ka baxay Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka, waxaana ay taas dhalisay buuq.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Jeylaani Nuur Iikaroo shir guddoominayay kulanka ayaa howl wadeenada ku amray inay saf saf u tiriyaan, waxaana markii dambe la shaaciyay inay joogaan 142 Xildhibaan, kuwaasoo markii dambe cod gacan taag ah u qaaday mooshinka.

132 Xildhibaan ayaa u codeysay mooshinka inay taageersan yihiin, halka afar Xildhibaan ay diiday, lix Xildhibaan ka aamustay.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in mooshinka uu yahay ansax, sidaas darteed uu dhismaha Baarlamaanka Jubba uu yahay mid sharci darro ah

Fadhiga ayaa wixii markaas ka dambeeyay sawaxan iyo sacab isu bedelay, iyadoo Xildhibaanada taageersanaa mooshinkana ay isu hambalyeynayeen, markii uu Guddoonka ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Jawaabta ka imaan doonta Maamulka Jubbaland iyo sida uu go’aan u qaadan doono ayaa ah mid la sugayo, iyadoo horay Maamulka Jubba ugu hanjabtay inay xiriirka u jari doonto dowladda Federaalka, haddii mooshinkan ay ansixiyaan

Ugu dambeyn Xildhibaanada taageersanaa mooshinka ayaa sheegay in tallaabadan uu qaaday Baarlamaanka uu muujinayo in Baarlamaanka uu si dhab ah ula xisaabtami doono dowlad goboleedyada hoos yimaada dowladda Federaalka.


Add New Comment