Guddoomiyaha Guddiga farsamada oo ka hadashay buuqa ka dhashay shirka Cadaado



Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay buuqii ka dhashay shirkii Ergada ee ka socday magaalada Cadaado, iyadoo faah faahin ka bixiyay muranka jira iyo waxyaabaha la isku hayo.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe si uu u hirgalo horay go’aan looga soo saaro, isla markaana lagu heshiiyay Road Map, waxaana ay tilmaamtay in buuqii shalay ka dhashay shirka aanu jirin wax dhibaato ah oo dhex maray ergada.

“Waxyaabaha muranka dhaliyay waxaa ka mid ah in Ergada ay shaqadooda noqoto kaliya ka doodista iyo ansixinta Dastuurka KMG, ergada dad ka mid ah ama musharaxiinta ayaa waxaa jira qofba sida waxa uu rabo u noqoto, ergooyinka waxay rabaan in aan Baarlamaan loo baahan oo ayaga doortaan Madaxweynaha”ayay tiri Xaliimo Yarey oo la hadleysay Idaacada VOA-da.

Waxaa ay sheegtay inuu horay u jiray Road Map ama qorshe howleed ay ku shaqeynayeen, waxaana ay tilmaamtay in horay loogu heshiiyay in Ergada ay ansixiyaan dastuurka, kadibna Xildhibaanada Baarlamaanka ay soo xulaan Odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale mar ay ka hadlaysay waxyaabaha kale ee dooda ka taagan magaca loo bixinayo Maamulka iyo calanka uu yeelanayo, waxaana ay xustay in la soo bandhigyo magacyo kala ah Galmudug State, Mudug iyo Galgaduud iyo Central Somalia.

“Dad baa ka soo hojeeday magaca Galmudug State oo dhahayay maamul hore lagu yaqaanay, kuwa kale magacyo kale ayay wadeen sida Central Somalia, Mudug iyo Galgaduud, dhamaan kuwaas waxay u baahan yihiin in Ergadu isku raacdo”ayay tiri Xaliimo Yarey.

Waxaa ay sheegtay in maanta ay rajo ka qabaan in muranada jira la xaliyo, si maalinta berri oo sabti ah la isugu soo laabto, lagana doodo dastuurka, si loo ansixiyo, waxaana ay intaa ku dartay in dadka Gobollada Dhexe ay wax wada leeyihiin, balse loo baahan yahay in wax walba lagu xaliyo is qancin iyo tanaasul.

Ugu dambeyn waxaa ay ka dhawaajisay in qorshuhu yahay in 15 bisha lagu doorto Madaxweynaha Gobollada Dhexe, isla markaana inta ka horeysa dastuurka la ansixiyo iyo Xildhibaanadana la soo doorto.


Add New Comment