Madaxweynaha oo maanta xarigga ka jaray Cusbitaal Cusub


furitaanka.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta xariga ka jarey cusbital cusub oo ay dowladda Imaraadku magaladda Muqdisho ka hirgalisay gaar ahaan degmada Shangaani   kaas oo loogu magac darey Sheikh Zayedd Bin Sultaan Al-Nahyaan

Madaxweynaha oo ay wehliyo Ra’isul wasaraha Soomaaliya guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka safiirka dowladda Imaaradka Soomaaliya u fadhiya iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa uga mahadceliyey dowladda Imaaradka cusbitalkan ay inoo dhiseen waxa uuna ka sheekeeyey dadaaladda dowladdaasi ku garabtaagan tahey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed asigoo sidoo kalana xariga ka jarey qeybo kale oo dowladdasi ka dhiseyso isbitaalo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay dowladda Imaaraadka carabta isagoo ku amaanay mashaariicda hormarineed ee ay ka fulineyso dalka Soomaaliya iyo sida ay u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.


Add New Comment