Guddoomiye Jawaari oo Kampala kaga qaybgalay furitaanka kalfadhiga barlamaanka Uganda



Jawa aari B.jpg

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qayb-galay xafladda furitaanka kalfa-dhiga shanaad ee Golaha Baarlamaanka dalka Uganda.

Xafladda ayaa lagu Marti-qaaday Afhayeennada Baarlamaannada Afrika, iyadoo Sanadkan ay ka duwanayd Sanadihii hore, maadaama lagu soo bandhigay munaasabadda waxyaabihii u Qabsoomay Baarlamaanka dalka Uganda iyo halka uu Higsanayo.

Hoggaamiyaha Uganda, Yoweri Museveni khudbad dheer ka jeediyay Munaasabada ayaa ka hadlay hormarka Uganada uu gaaray iyo dagaallada ay ciidanka dalkiisu kula jiraan Al-shabaab, isagoo tilmaamay in Uganda ay si aad ah uga feejigan tahay xilligan weerarro uga yimaada kooxaha argigixisada, ayna sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaabta Somalia.

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Aadanaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Maryan Aweys Jaamac oo ka mid ah Wafdiga ayaa u sheegtay warbaahinta in munaasabadda intii lagu jiray uu guddoomiye Jawaari la kulmay guddoomiyeyaasha baarlamaannada Afrika ee kasoo Qaybgalay xafladda.

Ugu dambeyn, Berri waxaa Xarunta Baarlamaanka Uganda ee Kampala ka dhicaya kulan ay wadayeelan doonaan Guddoomiyeyaasha baarlamaannada Somalia iyo Uganda, kaasoo khuseeya iskaashiga iyo xirirka sii labada baarlamaan.

Add New Comment