Shirkadda MasterCard oo ku dhawaaqday in ay ka hawlgeli doonto Soomaaliya




premier.jpg

Go’aan geesinnimo lagu tilmaamay ayay qaadday shirkadda MasterCard ee samaysa kaadhadka lacagta lagula baxo, waxna lagu iibsado, kaddib markii ay go’aan ku gaartay inay ka howl billowdo Soomaaliya.

MasterCard ayaa shir dhaqaalaha ku saabsan oo ka socda magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga dhawaaqday arrintan, iyadoo sheegtay inay la shirkowday Bangi Soomaali ah oo adeegyada bixin doona.

Bangiga ayaa lagu magacaabaa Premier Bank, shirkadda MasterCard ayaana ku ammaantay inuu yahay bangi la isku hallayn karo, oo howlaha u guta si xirfadi ay ku dheehan tahay.

Daniel Monehin oo ah madaxa shirkadda MasterCard ee dalalka saxaraha ka hooseeya ayaa sheegay inay noqdeen shirkaddii ugu horreysay oo adeeg noocaan ah ka fulisa Soomaaliya.

Shirkadda MasterCard ayaa sheegtay inuu heshiiska yimid kaddib wada-hadallo muddo dheer socday oo ay la galeen bangiga Premier.

Bangiga Premier ayaa lagu wadaa inuu sanad kasta soo saaro 5000 oo MasterCard.

Soomaaliya waa dal  aan lahayn nidaam banki tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991 xilligaas oo adeegyadii maaliyadda ee dalka ay meesha ka baxeen.

Cabdiraxmaan Caynte, wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah oo ka qeyb-galaya shirka Cape Town ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay ku dhaqaaqday MasterCard.

“Dagaal kaliya ayaan ka soo kabanaynay saddexii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Caynte, isagoo intaas raaciyay in samaynta nidaam banki oo rasmi ah iyo imaanshaha shirkado sida MasterCard ay dhiirrigelin u noqon karaan maalgeliyeyaasha caalamiga ah inay yimaadaan Soomaaliya, ayna ka qeyb-qaataan dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka.


Add New Comment