Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay bilowga wejiga labaad e shirka Cadaado ka socda



Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyay billowga wejiga labaad ee geedi-socodka dhismaha maamul-dowladeedka kumeelgaarka ah ee gobollada dhexe

Muqdisho, 02 June 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay furitaanka wejiga labaad ee maamul cusub oo kumeelgaar ah loogu sameynaayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.  Shir wufuudda ka qaybgeleyso ay kusoo xulayaan baarlamaan kumeelgaar ah laguna ansixinaayo cahdi kumeelgaar ah ayaa ka furmay magaalada Cadaado 30ki May, waxaana furay Rai’sul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ergeyga Gaarka ah, Mudane Kay ayaa soo dhoweeyay sida waxtarka leh ee dadka gobollada dhexe ay uga qayb galeen geedi-socodka, wuxuuna dadkaas ku amaanay sida ay uga go’antahay inay qaddariyaan nidaamka lagu gaarayo nabad iyo xasillooni.

“Waxaan rajeynayaa in dadaalka iyo go’aanka ay wada gaareen dhamaan wufuudda – ka qeybgeleysa shirka – ay u suurto gelin doonto shirka Cadaado inuu ku dhamaado guul. Waxaan ku guubaabinayaa dadka gobollada dhexe inay dhistaan maamulkooda cusub ayagoo ixtiraamaayo mabaadi’da dib-u-heshiisiinta, isu-tanaasulka iyo u-wada-dhamaanshaha hawsha. Gaar ahaan waa in haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay ay ka qayb-qaataan shirka” ayuu yiri Mudane Kay.

Heshiiska khuseeyo gobollada dhexe waxaa lagu saxiixay Muqdisho 30ki July 2014 halkaas oo dhamaan dhinacyadi arrintu khuseysay ku wada go’aansadeen inay wada sameystaan maamul loo wada dhanyahay. Wixii ka dambeeyay taariikhdaas, dadka gobollada dhexe waxay u hawlgaleen sidi lagu heli lahaa dib-u-heshiisiin iyo geedi-socod siyaasadeed oo lagu dhisaayo maamul kumeelgaar ah.


Add New Comment