Wasiirka amniga oo Kenya ka dalbaday inay ka laabato go’aanka ay ku dhiseyso darbi u dhexeya labada dal



AMniga Qaranka.jpg

Wasiirka amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa sheegay in derbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya uu fursad u yahay kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, isla markaana uu ka dalbanayo inay ka laabato go’aankaasi qaldan.

Wasiirka waxa uu ku tilmaamay tilaabada dowladda  Kenya mid loogu danaynayo Al-Shabaab,  isla markaana ay ka kacdoomaan, isaga oo ka dalbaday inay ka laabato go’aankaas  si looga dhabeeyo hamiga in laga i taal roonaado argagixisada ku dhuumaaleysanaysa xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka amniga ayaa hadalkiisa waxa laga dheehanayaa sida dowlada Soomaaliya ay uga xun tahay darbigaan Kenya ku howlantahay inay xuduudda Soomaaliya ka dhisto, waxa uuna si cad u sheegay inaysan ogolaan doonin in ciida Soomaaliya lagu soo xad gudbo.

Dowlada Kenya ayaa kol hore sheegtay in ay daarweyn ka dhisayso xaduudda ay Soomaaliya la wadaagto, kadib markii ay dhibsadeen weerarada al shabab waxase go aankaasi uu u cuntami waayey dowlada iyo shacabka soomaaliyeed

Add New Comment