Wasiirka warfaafinta oo kulan la yeeshay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya



Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska  Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ay wehliyaan agaasimaha  Tvga qaranka Soomaaliyeed iyo xariirka warbaahinta  Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf “Alcadaalla” iyo agaasimaha  Qorsheynta xariirka caalamiga  Cabdinasir Xasan Xuseen ayaa    kulan safaaradda Turkiga kula qaatay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya olgan Barka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlayhorumarinta wabaahinta Soomaaliya iyo sidii safaaradda ay u caawin la heyd wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu horeyn u mahadceliyay safaaradda howsha  ay ka  hayso dalka oo ah mid aad u baxaad leh isla markaana shacabka Soomaaliyeed mahad naq balaaran uga hayaan walaalaha Turkiga taageerada ay siiyeen dalka Soomaaliya.

Olagan Berka danjiraha dowladda Turiga u fadhiyaya Soomaaliya ayaa   bogaadiyay howsha  ka socada caasimdda Soomaaliya iyo guud ahaan dalkeena,isagoo amaanay shacabka Soomaaliyeed isla markaana la xoojin dooono xiriirka labada dhinac.

Danjiraha ayaa sidoo boqaadiyayhowsha warbaahinta Soomaalida sida ay u tabiyaan horumarka ka jira dalka.

Agaasimaha Tvga qaranka Soomaaliyeed iyo xariirka  saxaafadda  Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa  sheegay in ay muhiim tahay in  Tvga qaranka  uu xarun ka furto  wadanka Tukiga si uu kaga shaqeeyo xariirka  dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya,isla markaana dalkaasi ay ku sugan yihiin  ardey badan oo Soomaali ah kuwaas oo u baahan meel ay kala hadlaan  umadda Soomaaliyeed  safiirka  ayaana  talaabadaasi  ku tilmaayay  mid  wanaagsan  sida ugu  dhaqsiyaha badana ay safaaradda ay ka shaqayn doonto.

Kulankani ayaa waxaa uu dabajoogaa kulan uu horey ay mas’uuliyiinta wasaaradda warfafinta ay la qaateen safiirka Turkiga kaas oo looga hadlayay horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed.


Add New Comment