Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka Belgium



Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, Muden Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa warqadaha aqoobsiga danjinimo ka guddoomay Mss  Roxane De Bilderling oo ah safiirka cusub ee boqortooyada Belgium-ka u soo magcaabdey Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo safiirka boqotooyada  Mss  Roxane, ayaa kulan ay wada qaateen waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyo in dowladda boqortooyada Belgium Soomaaliya ka taageerto arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, dhismaha heyádaha iyo amniga dalka sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali, ayaa sheegay in kulanka waxyaabaha looga hadlay dhammaantood la isku afgartay, isla markaana xiriirka Soomaaliya iyo Belgium ka dhaxeeyo uu yahay mid dheer.

Sidoo kale danjiraha cusub ee boqortooyada dalka Belgium Roxen, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan la dagaallanka argagixisada dowladda Belgium-kuna ay ballan-qaadeyso in ay fuliso waxyaabaha laga hadlay oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dowladda Belgium uga tacsiyeeyey weerarradii argagixiso ee laga geystay garoonka diyaaraha caasimadda Belgium, iyadoo dhambaal la mid ah kaasna ay boqortooytada Belgium soo gaarsiisay madaxweynaha  oo ay uga tacsiyeynayaa weerarkii ugu dambeeyey ee lagu qaaday hotel Naasa-hablood ee magaalada Muqdisho.

Daawo sawirrada


Add New Comment