Madaxweynaha
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku
aaddan sannadguuradii 38-aad ee ka soo wareegtey xornimada dalka Djibouti u
direy Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhammaan shacabka reer Djibouti meel
kasta oo ay joogaan.
‘’Waxaan
walaalaheena reer Djibouti la qeybsaneynaa xuskan qiimaha leh iyo farxadda
sannadguurada 38-aad ee xornimada. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan
ummadda Soomaaliyeed waxaan idin soo gudbinayaa hambalyada munaasabaddan,
waxaana shacabka reer Djibouti u rajeynayaa horumar, midnimo iyo barwaaqo inay
ku noolaadaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha .
Madaxweyne
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Djibouti ay ka soo dhalaashey kaalinteeda
walaaltinimo iyo derisnimo si ay u caawiso Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in
shacabka Soomaaliyeed aaney taasi marnaba ilaabi doonin.
‘’Shacabka
iyo dowladda Djibouti waxay inoo qabteen wax weyn, dadaal dheerna waxay u galeen
sidii aan uga bixi lahayn colaadihii iyo xasaradihii waddankeena ka aloosnaa,
welina dadaalkaasi way wadaan. Reer Djibouti si hagar la’aan ah ayay
walaalahooda dhibaateysan ee Soomaaliya uga warqabeen, uguna soo gurmadeen,
abaal aan la iloobi karin ayaan uga haynaa dadaalkaasi iyo geesinimada ay inoo
muujiyeen’’.
Ugu
dambeyn waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh u rajeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar
Geelle iyo shacabka reer Djibouti in xuskan kiisa xiga ay ku gaaraan caafimaad
iyo barwaaqo.