Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug oo maanta Cadaado lagu doortay



Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa u doortay guddoomiyaha baarlamaanka, Cali Cumar Casir, isagoo kaga guuleystay wareeggii labaad ee doorashada murashaxii la tartamayay, C/llaahi Xuseen Maalin Gaafoow (Asparo).

Guddoomiyaha la doortay ayaa 48-cod, halka murashaxii la tartamayay uu ka helay 36-cod, waxayna doorashadu ahayd mid u dhacday si qarsoodi ah, iyadoo xildhibaannada codeynayay ay tiradoodu ahayd 84-xildhibaan.

Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Galmudug, isagoo xusay in guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Galmudug loo doortay Cali Cumar Casir.
Sidoo kale, waxaa billaabanaysa doorashada guddoomiye ku xigeennada baarlmaaanka Galmudug, iyadoo markii ay soo gaba-gabowday doorashada guddoomiyaha ay khudbado jeediyeen mas’uuliyiintii ku sugnaa hoolka shirarka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka hadlay kulanka ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha la doortay, wuxuuna intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya uu howsha la wareegi doono Guddoomiye, Cali Gacal Casir.

Dhanka kale, Odawaa ayaa xusay in wasaaradiisu ay shirka ka tahay fududeeye oo keliya; isla markaana 04-ta July ee soo socota ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maamulka GALMUDUG, Cali Cumar Casir ayaa wuxuu sannadkii 1960-kii ku dhashay magaalada Muqdisho, isagoo kasoo mid noqday xildhibaannadii baarlamaankii KMG ahaa ee dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn, doorashada waxaa goobjoog ka ah xildhibaanno, mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka yimid gobollada dalka, iyadoo doorashadan ay tahay tii ugu horreysay oo ay xildhibaannadu ku doortaan mas’uuliyiin.

Add New Comment