Qabashada araajida murashixiinta u taagan xilka guddoonka Baarlamaanka maamulka Galmudug oo heer gabgaba ah maraya



GalMudug State inside.jpgWaxaa meel gebagebo ah maraya araaji qabashada musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo maalinta Sabtida ah ee soo socota sida uu qorshuhu yahay la qaban doono doorashada guddoonka Baarlamaankaasi.

Araaji qabashada ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo islamarkaana la isku diyaariyo doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug uu yeelanayo taasi oo dadka ku dhaqan mudug iyo Galgaduud ay soo dhaweeyeen.

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka jira mashquul baahsan oo la xiriira arrimaha maamul u sameynta gobolada dhexe oo in badan lagu guuleystay taasi oo lagu tilmaami karo horumar soo bidhaamay.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo dhawaan la dhaariyay ayaa wajahaya shaqooyin badan oo horseed u noqonaya horumarka gobolada dhexe, waxaana sugaya waqtiyada soo aadan in ay soo doortaan guddoonka baarlamaanka maamulka Galmudug iyo madaxweynaha maamulkaasi uu yeelanayo waana mowjado siyaasadeed oo aan la saadaali Karin cida guusha doorashada ay ku raaci doonto.


Add New Comment